BALIGUBADLE MEDIA
Waa Noocee Maxaabiista Jeelasha Dalka Ku Xidhan ee Kornayl Muuse Biixi Cafiska U Fidiyay Munaasibadda Barakaysan ee Ciidu Fidriga Awgeed
June 15, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibada ciidal fidriga awgeed wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-113/062018 uu cafis u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus, waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne

news1
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;
Markaan Tixgaliyey: In Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman, Munaasibaadda Ciidal Fidrida awgeed ee sannadka 1439 ee Hijriyda, kuna beegan 2018;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis buuxa u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus.
Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.
Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS