BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo Ka Hadlay Shirka Beelaha Garxajis Uga Furmay Buurta Gacan Libaax
June 25, 2018 - Written by admin

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar ayaa ka Hadlay Shirka Beelaha Garxajis Uga Furmay Buurta Gacan Libaax ee Gobolka Saaxil.

Waxa uu Xusay in gunaanadka shirkaasi ay ka soo bixi doonaan Go’aamo wax ku ool ah oo dani ugu jirto Somaliland.
cabdilaahi jawaan
Waxaan halkan hambalyo uga gudbinayaa: Shirweynaha Beelweynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq ( Garxajis ) ee Buurta Gacan-Libaax Shirku uga furmay Taariikhdu Markay ahayd  9 Shawal 1439 Hijr, 23 June 2018 ama 2dii Bisha 1aad ee Xagaaga Sanadka Soomaalida. Shirweynaha Wax Talo iyo Tusaale Toona uma Soo Jeedinaayo Sababta oo ah Beelweynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq Waxay ahaan Jireen Haddana Yihiin Hormuudka,  Xigmada Af Soomaaliga, Gabayada, Maahmaahaha, Suugaanta iyo Hal-abuurka Heesaha iyo Fanka Soomaalida.
Walaallayaa Waxaynu Nahay: Isku Dad, Isku Dal, Isku Diin, Isku Dan, Isku Doonis, iyo Isku Diidis Haddii Danni Qasabto. Haddaba Aniga oo ah Oday Same-Talis iyo Siyaasi Soomaalilandba, kana Wakiil ah: Mataankiinii Waxaan idiin Soo Gudbinayaa  Duco Niyad Sami Ku DheehanTahay.

Waxaan Ku Rajo Weynahay in Shirweynhiina ay ka Soo Bixi Doonaan Go’aanno Waxtar u Leh Beelweynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq ( Garxajis ), Somaliland iyo Guud Ahaan Umadda Somaliyeed Meelkasta iyo Dalkasta Ha Ahaadeenne.

GUUL IYO GOBONIMO.

COMMENTS