BALIGUBADLE MEDIA
Shirkii Beelaha Gerxajis oo Maalintii Labaad Galay, SIyaasiyiinta Beeshaas oo Shirka Ka Qayb Galaysa Iyo Wararkii U Dambeeyay
June 24, 2018 - Written by admin

Shir weynihii Beesha Garxajis, ayaa si rasmi ah shalay galab uga furmay Buurta Gacanlibaax, kaasi oo ay kasoo qayb-geleen ergooyin kal kala socda dhammaan-ba Ardaayada Beesha Garxajis, isagoo subaxan saaka ahna si habsami ah u socda.

shirka2shirka3 shirka4

Shirkan Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba , ayaa waxa si rasmi ah u furey furiteenkiisii Suldaanka Guud ee Beesha Garxajis Suldaan Maxamed Cabdiqaadir,waxaana lagu wadaa in lasoo gunaanado maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa.

Salaadiinta, Boqorada ugaas-yada Cuqaasha, iyo badi madax-dhaqameedka Beesha Garxajis oo ka kala yimi Gobolada, Sanaag, Tog-dheer, Saaxil, Maroodijeex, Daad-madheedh iyo ergooyin ay soo xuleen ayaa iyana soo buuxiyey madasha shirka.

Dhanka kalene waxa furitaankii shir weynaha Beesha Garxajis ka qayb-galay siyaasiyiinta beesha dhammaantood, waxaana kamid ahaa Prof Ismaaciil Buubaa, Siyaasi Axmed Mirre Maxamed, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Xildhibaan Dheeg iyo weliba siyaasiyiin kale oo miisaan culus.

Dhnaka Kalene shir weynaha loogu magacaabay Tol-wanaaje Laba ee beel weynta Garxajis, ayaa ilaa hadda si habsami ah uga socda Buurta Gacanlibaax.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS