Raysalwasaaraha Ethiopia oo Ka Badbaaday Qarax Lala Beegsaday Meel uu Khudbad Ka Jeedinayay iyo Wararkii U Dambeeyay
June 23, 2018 - Written by admin
Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abbiy Ahmed oo goor dhaweyd la Hadley telefishanka qaranka dalka Itoobiya waxaa uu ka Hadley qarax goor dhaweyd ka dhacay madal uu tageerayaashiisa khudbad ugu jeedinaayey ooAddis Abab ku Taala .
Raysal Wasaaraha oo Hadalkiisa ku jeedinaayey afka Axmaarada ayaa sheegay in qaraxani aheyn mid dibada laga soo abaabulay balse uu yahay mid gudaha dalka Itoobiya Ah , isla markaana baadhis lagu sameyn doono , qaabka uu u hir galay maadama oo ay goobta ilaalinaayey ciidamo xoogan
Sidoo kale Raysal Wasaaraha ayaa markii uu khudbada jeedinaayey waxaa isaga iyo dadka u dhaxeysay muraayada aaney xabadu Karin , taas oo macnaheedu tahay inay sirdoonka Itoobiya ka war qabeen xalad amaan xumo oo raysal Wasaaraha goobtasi kaga dhici karta
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS