BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Guddi Baadha Qaraxii Addis Iyo Dhac Loo Gaysta Baanka Abyssinia
June 29, 2018 - Written by admin

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa guddi isku dhaf ah u saaray inay baadhitaan ku sameeyaan ciddii ka dambaysay isku dhaca qowmiyadaha iyo qaraxii ka dhacay banaanbax uu ka khudbaynayey.

aby ahmed

Waxaa kale oo hawlaha guddigaas ka mid ah inay baadhaan bangiyada la dhacay, gaar ahaan baanka  Abyssinia.

Labada fal ee ah in baan  la dhaco iyo in dharaar cad qarax laga sameeyo magaalada caasimadda ayaa ah laba arrimood oo ku cusub Itoobiya.

Qaraxa oo horraantii todobaadkan ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, in yar ka dib markii uu halkaa khudbad ka jeediyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa waxaa loo xidh

xidhay  ilaa 30 qof oo 9 ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliska, midkoodna uu yahay taliye ku xigeenkii booliska Addis Ababa.

18 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa maxkamad la geeyey, booliskuna wuxuu codsaday in la siiyo 20 maalmood si ay eedeymahooda u soo diyaarsadaan, hase yeeshee maxkamadda ayaa siisay inay 14 maalmood hawshaas ku soo qabtaan.

BBCsomali

COMMENTS