BALIGUBADLE MEDIA
Qaramada Midoobay Oo Ka Dareen Celisay Goaankii Maraykanku Kaga Baxay Golaha Xuquuqal Iinsaanka
June 22, 2018 - Written by admin

Qaramada midoobay soo bandhigtay walaaca ay ka qabto go’aanka dawlada Maraykanku kaga baxday golaha xuquuqal iinsaanka.

UNITED NATIONS

Afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Stéphane Dujarric ayaa cadeeyey walaaca uu xoghayaha guud ka qabo go’aanka ay dawlada Maraykanku ku dhawaaqday “ Xoghayaha guud ee qaramada midoobay waxa uu aad u door bidayaa in maraykanku uu ka sii mid ahaado golaha xuquuqal iinsaanka waayo golahani waxa uu kaalin muuqata oo muhiim ah ka ciyaarayaa ilaalinta xuquuqda aadanaha ee guud ahaan caalamka”

Dawlada Maraykanka ayaa shaacisay inay iskaga baxday golaha xuquuqal iinsaanka ee qaramada midoobay, kaas oo ay sheegtay inaanu ka shaqayn hawlaha uu u xil saaran yahay.

Wakiilka qaramada midoobay u fadhida dalka Maraykanka Nikki Haley ayaa sheegtay inay jiraan nidaamyo badan oo ka baxsan xuquuqda bina aadanka kuwaas oo aan waxba laga qaban “wali waxa jira nidaamyo ka baxsan bani aadaminada kuwaas ii wada inay ka baxsadaan sharciga, golaha xuquuqal iinsaankuna waxa uu wada inuu dajiyo siyaasado ka soo horjeeda wadamada leh  diwaanka wanaagsan ee xuquuqda aadanaha kuwaas oo laysku dayayo in la carqaladeeyo.”.

Halkan Guji Hadii Aad U Baahantahay Warkan oo Faahfaahsan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS