BALIGUBADLE MEDIA
Qalbi Dhagax Oo Dib U Helay Xorriyadiisii
June 28, 2018 - Written by admin

Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa Xabsiga kaga sii daysay Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo hore uga tirsanaan jiray Ururka ONLF.
Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ay xukuumadii hore ee Ethiopia Xabsiga u taxaabtay, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya u soo dhiibtay ayaa dib u helay xorriyadiisa, waxaana soo daysay xukuumadda Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed Ali.

qalbidhagax

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed Ali waxa xorriyadoodii loo soo celiyay siyaasiyiin, dad shacab ah iyo saxafiyiin lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS