BALIGUBADLE MEDIA
Natiijada Heshiis Ka Soo Baxay Kulankii Dhex Maray Madaxweyneyaasha Maraykanka Iyo Kuuriyada Waqooyi
June 12, 2018 - Written by admin

Ka Soo Baxay Kulankii Dhex Maray Madaxweyneyaasha Maraykanka Iyo Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu ahaa mid wax ku ool ah oo kalsooni geliyay.

Trump wuxuu sheegay inuu joojinaya dhoolatuska militari halka Kim uu ballan qaaday inuu burburin doono goobaha lagu tijaabiyo Nukliyerka.

Sida ku cad heshiiska ay labada hogaamiye saxiixeen, waxaa ka go’an sidii Nukliyerka looga cidhibtiri lahaa gacanka Kuuriya iyo ka shaqaynta nabadda gobolka.

Mareykanka ayaa ka codsaday Kuuriyada Waqooyi in si dhamaystiran ay u xaqiijiso burburinta Nukliyerka.

Madaxweyne Trump wuxuu yidhi “Waxaan filaya in labada dhinac ay ku farxi doonaan natiijada kulanka”

Kulanka ka dib

hoggaamiyeyaasha waxay kala saxiixdeen dokumenti ku baaqayay in labada dal ay billowdaan xidhiidh  cusub.

Kulanka Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday kii ugu horreeyay ay abid qaataan madaxweyne Mareykan ah iyo hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.

Waxay isku salaameen hoteel loo dalxiis taga oo ku yaalla Jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore ka hor inta ay u billaabanin wada hadallada.

Trump oo saaxibtinimo dhaw u muujinaya hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu sheegay inuu Aqalka Cad ku marti qaadi doono Kim Jong-un.

Hoggaaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu dhankiisa sheegay inay go’ansadeen in la iska illaawo wixii hore u dhacay, heshiiskaana ”uu adduunka u horseedi doono isbadello waaweyn.”

Dadka falaanqeeya siyaasadda gobolka ayaa ku kala aragti duwan qodobada ugu dambayn ka soo baxay kulanka, qaarkood waxay u arkaan kulan aan wax wayn soo kordhinayn, halka qaar kalena ay rumaysan yihiin in kulanka uu noqon karo dhabbihii nabadda loo qaadi lahaa.

Heshiiska labada dhinac ay kala saxiixdeen ma ahaan mid faahfaahin ka bixiyay sida gacanka Kuuriya looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu dammaanad qaadi doono ammaanka Kuuriyada Waqooyi inkastoo aanan la sheegin waxaa ay ka dhigan tahay arrintaasi.

Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan wada hadallo kale oo ku saabsan amniga gobolka.

Sawirka lasoo qaaday ayaa muujinaya labada hoggaamiye oo is salaamaya, waxay astaan u noqonaysaa in labada dal ay xidhiidh  wanaagsan yeeshaan kuwaaso muddo 20 sanno ah ay cadowtinnimo ka dhexeysay.

Trump iyo Kim Jung-un waxaa la socday oo kaliya ah markii ay kulmayeen labo qof oo u kala turjumo, waxayna hadleen in ka yar 40 daqiiqo, ka dibna waxaa ku soo biiray wufuud la taliyeyaal ah oo kulankooda qadada qeyb ka ahaa.

Waxaana ka mid ahaa mas’uliyiinta joogay kulanka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha ammaanka John Bolton, dhanka Kuuriyada Waqooyi waxaa joogay madaxii hore ee sirddoonka Kim Yong-chol iyo wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho.

Kim iyo Trump ayaa ku qadeeyay cunnooyin isku dhaf ah oo laga keenay dalalka reer galbeedka iyo Kuuriya.

Kulanka taariikhiga ah waxa lagu tilmaamay mid dan ugu jira labada dal inkastoo dhowr jeer oo hore uu qark u saarnaa inuu baaqdo.

Dad badan ayaa rumaysan in natiijada kasoo baxday kulanka aysan waxtar noqon doonin.

Inuu la kulmo Kim madaxweyne Mareykan waxay u tahay guul maadama aabihii iyo awoowgii aysan samaynin arrintaasi.

Mareykanka ayaa cadaadis ku hayay Kuuriyada Waqooyi oo ay kamid ahayd cunaqabataynta dhaqaale uu dalkaasi kusoo rogay.

Source:-BBCsomali

COMMENTS