Muuse Biixi oo Xabsiga Ka Sii Dayay Nin Maamul Goboleed Kaga Dhawaaqay Saaxil, Xabsiyadana Ku Haysta Macalimiin Iyo Culimo Reer Hargeysa ah oo Dambi Lagu Waayay
June 11, 2018 - Written by admin
madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa xabsiga ka sii daayay nin maamul goboleedka saaxil state dalka kaga dhawaaqay islamarkaana ka soo jeeda beesha habar ee kornayl muuse biixi ka soo jeedo
muuse biixi ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo ninkan waxaanu wali jeelasha ku haystaa dhalinyaro iyo culimo ka soo jeeda konfurta iyo galbeedka caasimadda hargeysa kuwaas oo lagu waayay wax dambi ah islamarkaana sifo cadaalad darro ah ugu xidhan jeelasha dalka
talaabada muuse biixi ku sii daayay ninkan ku dhawaaqay maamul goboleedka islamarkaana uu ku haysto muwaadiniintan kale ee uu xabsiyada ku haysto ayaa muujinaysa nidaamka qabaliga ah ee madaxwaynuhu ku dhaqmayo isagoo wixii beeshiisa ah xabsiyada ka sii daynaya wixii beelaha kale ahna xabsiyada ku haya dhagahana ka furaystay wixii iclmaam iyo shirar ahaa ee lagaga hadlayay xadhiga culimadan iyo dhalinyaradaas
isku soo wada duuboo kornayl muuse biixi ayaa dalka ku wada cadaaladii beelaha somaliland ka dagaalameen waxaanu kornaylku kala kulmi doonaan cidhib xumo foolxun hadii uu dadka u cadaalad samayn waayo
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS