BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Ku Xadgudbay Qaranimadda Somaliland Ogolaanshana Siiyay Nin Dawladda Somaliya U Soo Magacawday Laanta Socdaalka Goboladda Waqooyi + Akhriso Warqadda Magacaabista.
June 8, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi ayaa ruqsad ogolaansho oo uu dalka kaga hawlgalo siiyay nin beeshiisa ah oo dawladda federaalka somaliya ee uu hogaamiyo madaxwayne farmaajo u soo magacaabay taliyaha laanta socdaalka ee somaliland

breaking news

ninkan oo ay isku juffo hoose yihiin muuse biixi ayaa dawladda somaliya u soo magacawday taliyaha laanta socdaalka goboladda waqooyi kaas oo halkii looga baahnaa in madaxwaynuhu xabsiga dhigo islamarkaana sharciyadda dalka ku qaado ayuu isagoo ku xadgudbaya qaranimadda somaliland wuxuu madaxwayne biixi siiyay ogolaansho ah inuu dalka kaga hawlagalo digreetadan Dawladda somaliya ku soo magacawday waxaanu madaxwaynuhu laamaha amaanka ku amray inaan ninkaas sharciga la horkeeni karin sidaasna uu kaga hawl gali karo dalka

hadaba madaxwayne biixi ayaa xadgudub wayn ku sameeyay qaranimadda somaliland isagoo dalkii ka dhigay maamul goboleed hoos yimaada dawladda federaalka ee somaliya

baligubadlemedia ayaa soo heshay nuqulkii dawladda somaliya ku soo magacawday ninkan isagoo durba xafiis ka furtay hargeysa islamarkaana ula baxay laanta jinisiyadaha goboladda waqooyi ee Somaliya  kaas oo uu ku bixiyo baasaabooradda somaliya

Dhanka kale wararka aanu helayno ayaa sheegaya in muuse biixi lacag Malaayiin dolar ah oo lagu hawlgaliyo xafiiskan ka qaatay Dawladda federaalka Somaliya.

FB_IMG_15284567927838203

 

isku soo wada duuboo waxa bulshadda somaliland la gudboon inay bartaan wajiga dhabta ah ee madaxwayne muuse biixi kaas oo marka uu warbaahinta ka hadlayo u hajnaba somaliya si hoosena dalkii uga dhigay maamul goboleed hoostaga dawladda somaliya

Dhanka kale xisbiyada mucaaradka ayaa looga fadhiyaa inay arintan si degdega uga hadlan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS