BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Ku Guuldaraystay SIyaasadihii Daakhiliga Iyo Khaarajiga ee Dalka + Ethiopia oo Heshiiskii Dekedii Berbera Kala Xaajoonaysa Madaxwayne Farmaajo
June 17, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland ayaa tan iyo intii uu ku fadhiistay kursiga ugu sareeya dalka ee madaxwaynenimo u muuqda inuu la soo darsay wajigabaxyo siyaasadeed oo kaga imanaya siyaasadaha somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

muuse haaruun

tan iyo intii uu taladda dalka hayay waxa isi soo biirsanaya jaahwareerka siyaasadeed ee somaliland wajahayso iyadoo dhinaca gudaha ee dalka colaado kala gadisani ka jiraan islamarkaana uu mr biixi ku fashilmay dajinta iyo daminta colaadaha ka holcaya dalka

dhanka kale waxa iyana faraha ka baxday siyaasadii arrimaha dibadda ee somaliland taas oo u muuqata inay gacanta u gashay dawladda federaalka ee somaliya islamarkaana somaliland loola macaamilaayo macno maamul goboleed oo ka tirsan dawladda federaalka somaliya

qodobada laga xusi karo fashilka siyaasadda arrimaha dibadda somaliya ayaa waxa kamid ah qodobo kamid heshiisyadii ay maalintii shalay kala saxeexdeen madaxwaynaha somaliya iyo raysalwasaaraha ethiopia kuwaas oo magaaladda muqdisho maalintii shalay ku kala saxeexday qodobo ay kamid yihiin maalgalinta iyo horumarinta dekedaha somaliya kuwaas oo kala ah afar dakadood oo ay ku jirto dekedda berbera ee somaliland

isku soo wada duuboo meeqaamkii somaliland ee caalamka ayaa hoos u dhac wayni ku yimi tan iyo intii kornayl muuse biixi taladda dalka qabsaday waxaana arrimaha lidiga ku ah somaliland u sababa madaxwayne biixi iyo xukuumadiisa oo ku fashilmay masuuliyadii umaddu u dhiibatay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS