BALIGUBADLE MEDIA
Mucaaradka Itoobiya ee Dibad-Joogga Ahaa oo Muddo Soddon Sanno Ku Dhaw Kadib Dib Ugu Laabanaya Dalkoodii
June 21, 2018 - Written by admin

Kooxda mucaaradka ee dalka Itoobiya ee lagu magacaabo, Ginbot 7, ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay taageersan yihiin baaqa dib u heshiisiinta ee uu ku dhawaaqay rai’sul wasaare Abiy Ahmed.

news1

Hadalka kooxdani mucaaradka oo saldhigoodu yahay dalka Eritrea ayaa yimid ka dib markii madaxwaynaha Eritrea Isaias Afeworki uu sheegay in uu doonayo in uu wadahadlo nabdeed la galo Itoobiya.
Labada dal ayaa muddo dhan 17 sano waxaa u dhaxeeyay colaad gaamurtay ka dib dagaalkii xudduuda ee labada dal dhexmaray.
Afhayeen kooxda mucaaradka ee Ginbot 7, oo la hadlay BBC laanta afka Amxaariga Tadesse Biru ayaa yiri ‘‘halggan hubaysan markii horaba ma ahayn wax aan door bideynay, balse waxa aan doonaynay in la helo jawi ay suurgal tahay siyaasadda oo Itoobiya ay yeelato, waana taa waxa nagu qasbay jabhadnimada.
‘‘Ginbot 7 wax xabbad ah ma aysan ridin islamarkana xabbad kasta oo ay rideen waxa ay ahayd mid aan nafteena ku difaacayno, ma ahayn mid aan dowladda xukunka uga tuuraynay.’’ Ayuu intaa ku daray.
Rai’sul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy, oo awoodda dalkaasi la wareegay bishii April, ayaa waxa uu balanqaaday in uu meesha ka saari doono istaraatijiyaddii hore mucaaradka lagula dhaqmi jiray.
Iyada oo taasi laga duulayo ayuu Mr Tadesse waxa uu sheegeen kooxda Ginbot 7 “ay Itoobiya dib ugu soo laaban doonaan haddii ay dowladda Abiy ku socoto wadada ay ku cirib tirayso sharciyada qalafsan lana dhisayo haya’ado dumuqraadiyadda.”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS