BALIGUBADLE MEDIA
Mohamed Salah Oo Hoggaaminaya Liiska 23-ka Ciyaartoy Ee Masar Uga Qayb-geli Doona Koobka Adduunka
June 4, 2018 - Written by admin

Liiska 23-ka ciyaartoy ee kama dambaysta ah ee xulka qaranka Masar ayaa uu ku dhowaaqay tababare Hector Cupper, waxaana uu ku daray laacibka dhaawaca ah ee Mohamed Salah oo lagu doweynayo cusbitaal ku yaalla magaalada Valencia ee waddanka Spain.

maxamed saalax

Salah oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa la ogyahay inaanu la midoobi karin ciyaaryahannada Masar inta ka horreysa 9 June, waxaanu la baratamayaa wakhtiga si uu taam ugu noqdo koobka adduunka iyadoo uu si habboon ugu socdo barnaamijka daaweynta dhaawaca garabka ah ee haleelay finalkii Champions League ee 26 May.

Masar ayaa ciyaarta ugu horreysa ee Koobka Adduunka waxay 15 June wada ciyaari doonaan Uruguay, waxaana ugu xigi doona Ruushka oo ay 19 June foodda is dari doonaan ka hor inta aanay ciyaarta ugu dambaysa hormada A foodda isku darin Saudi Arabia 25 June.

Halyeyga ay guusha ka  sugayaan reer Masar ee Mohamed Salah oo ku dhowaad soddon sannadood kaddib waddankiisa usoo saaray Koobka Adduunka ayaa mugji geliyey rajada Faraaciinta, hase yeeshee tababare Cupper ayaa niyadsami ka muujiyey dhaawaciisa, waxaanu kusoo daray xulka qaranka ee kama dambaysta ah.

Xulka Masar oo dhamaystiran

Goolka: Essam El Hadary (Al Taawoun), Mohamed El-Shennawy (Al Ahly), Sherif Ekramy (Al Ahly).

Difaaca: Ahmed Fathi, Saad Samir, Ayman Ashraf (all Al Ahly), Mahmoud Hamdy (Zamalek), Mohamed Abdel-Shafy (Al Fateh), Ahmed Hegazi (West Brom), Ali Gabr (Zamalek), Ahmed Elmohamady (Aston Villa), Omar Gaber (Los Angeles FC).

Dhexda: Tarek Hamed, (Zamalek), Shikabala (Zamalek), Abdallah Said (Al Ahli), Sam Morsy (Wigan Athletic), Mohamed Elneny (Arsenal), Mahmoud Kahraba (Al Ittihad), Ramadan Sobhi (Stoke City), Mahmoud Hassan (Kasimpasa), Amr Warda (Atromitos Athens).

Weerarka: Marwan Mohsen (Al Ahly), Mohamed Salah (Liverpool).

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS