BALIGUBADLE MEDIA
Maxaabiis Itoobiyaan Ah Oo Laga Sii Daayay Xabsiyada Dalka Masar Xili Uu Booqasho Ku Joogo Dalkaasi Raysal Wasaaraha Itoobiya +Tirada Maxaabiista La Sii Daayay
June 11, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi waxa uu cafis u fidiyey 32 Maxaabiis Ethiopian ah, kuwaasi oo sii-dayntooda lagu soo beegay Booqashadii uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abi Axmed ku joogay magaalladda Qaahira.

Saraakiil Masaari oo aan fasax u haysanin inay la hadlaan Saxaafadda ayaa warkan u dusiyey Wakaalladda Wararka ee Associated Press (AP).

Ra’isul-wasaare Abi Axmed waxa uu sii-daynta Maxaabiistaasi shalay ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxweyne C/fataax Al-sisi ku qabteen magaalladda Qaahira.
Dhinaca kale, Fitsum Arega oo ah Madaxa Shaqaalaha ee Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu Twitter-kiisa soo dhigay in 32 Maxaabiis Ethiopian ah la sii daayey, isla markaana ay isla maanta u dhoofi doonaan magaalladda Addis Abeba.

Fitsum Arega waxa kale oo uu sheegay inay Dowladda Msaar ballan qaaday inay taageero ka geystaan sidii loo heli lahaa maydadka 38 Ethiopian oo ay Kooxda Daacish surka kaga jaraan dalka Liibiya sannadkii 2015-kii.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS