BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Soo Dadajiyay Wakhti Xaadirkan In Raysal Wasaaraha Cusub ee Ethiopia Ku Hanjabo Iscasilaad
June 15, 2018 - Written by admin

Hogaamiyaha mucaaradka ee dal Itoobiya Andargachew Tsege ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayey, ka dib markii uu ra’iisul wasaaraha dalku ku hanjabay inuu is casilayo.

aby ahmed

Mr Tsege, oo wax ka aasaasay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Ginbot 7, ayaa muddo 4 sano ah ku qaatay xabsiga gudihiisa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu maleegayey afgambi ka dhan ah xukuumadda Itoobiya, waxaana sanadkii 2009 lagu xukumay dil.

Wixii ka dambeeyey markii la cafiyey bishii May ee sannadkan, ayuu Mr Tsege kulan 90 daqiiqo ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed isaga u soo bandhigay tiro isbeddello ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii April.

Mr Tsege oo haysta baasaboorka Britain ayaa wixii markaa ka dambeeyey dib ula midoobay qoyskiisa oo ku nool London.

Source:-BBCsomali

COMMENTS