BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Guud Ee QM U Qaabilsan Siyaasada
June 9, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha siyaasada Rosemary Dicalro oo booqasho ku timid Muqdisho.

farmaajo

Kulanka madaxweynaha iyo Rosemary Dicalro oo uu ku wehelinayey ergayga qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Michael Keating ayaa lagaga wada hadlay xaalada dalka soomaaliya gaar ahaan dedaalada ay dawladu wado ee ku wajahan  arimaha amniga, dhaaalaha iyo siyaasada.

Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary Dicalro ayaa ka hadashay isbadalka ay dawlada soomaaliya gaadhay mudadii uu hogaaminayey Farmaajo waxaanay sheegtay in soomaaliya ay wali muhiim u tahay qaramada midoobay.

Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waa booqashadeydi ugu horeysay tan iyo markii aan noqday  Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda, waxaan halkan u imid inaan muujiyo sida Soomaaliya ay muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay, waxaan wada hadalo wanaagsan la yeelanay Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo aan uga hadalnay arrimaha Dastuurka, Nabadda iyo shirkii Golaha Amniga Qaranka.” Ayay tiri Rosemary Dicalro.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xoogga saartay arrimo muhiim ah oo ay ku jirto horumarinta siyaasadda, taasi oo ay ugu dambeysay shirkii Baydhabo ay ku yeesheehn Golaha amniga Qaranka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS