BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Trump oo Qorshaynaya Inuu Aqalka Cad Afur Ugu Sameeyo Muslimiinta Dalkiisa
June 3, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa qorshaynaya inuu afur wadareed u sameeyo muslimiinta dalkiisa ee ku guda jirka soonka bisha barakaysan ee Ramadaan.

trump fataal

Aqalka ee dalka maraykanka ayaa cadeeyey in afur wadareedka la qorsheeyey maalinta arbacada ah isla markaana la qoray dadka la doonayo inay ka soo qayb galaan.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa xidhiidh adag la lahaa bulshada muslimiinta ah intii lagu gudo jiray ololihii doorashada uu ku guulaystay balse marar badan ayuu ku baaqay in la mamnuuco dadka muslimiinta ah ee soo galaya dalka Maraykanka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS