BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Dallada Culimada Soomaliyeed Iyo Nuxurka Dardaaranadii La Is waydaarsaday
June 13, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay dallada culimada soomaaliya ayaa fariin u diray guud ahaan culimada soomaaliyeed.

qfarmaajo

Madaxweynen Farmaajo ayaa soo bandhigay xaaladaha lagaga gudbi karo wada jirka iyo wada shaqaynta culimada, isaga oo xusay inay muhiim u tahay ka hor tagida fikrado uu sheegay inay dib u dhigeen dawladnimada soomaaliya kuwaas oo uu ka xusay qabyaalada, musuq maasuqa iyo cadaala darada.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlaya culimada isla markaana dardaaran u jeedinaya ayaa waxa uu yidhi “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormoodka

bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa amaanay shacabka soomaaliya waxaanu yidhi “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culimadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Sidoo kale qaar ka mid ah culimadii ka soo qayb galay kulanka ayaa  madaxweyne Farmaajo u soo bandhigay qorshaha ay ka leeyihiin kooxaha dhibta ku haya shacabka soomaaliya, iyaga oo hambalyeeyey guulo ay sheegeen in dawlada federaalka ahi gaadhay.

Culumada ayaa sheegay inay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey culamadii ka soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo toosinta dhaqanka bulshada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS