BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo oo Dhexdhexaadin Kala Galaya Dhinacyadda Isku Haya Aeooda Dalka Koonfurta Sudan
June 23, 2018 - Written by admin

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abbiy Ahmed oo goor dhaweyd la Hadley telefishanka qaranka dalka Itoobiya waxaa uu ka Hadley qarax goor dhaweyd ka dhacay madal uu tageerayaashiisa khudbad ugu jeedinaayey ooAddis Abab ku Taala .

qfarmaajo
Raysal Wasaaraha oo Hadalkiisa ku jeedinaayey afka Axmaarada ayaa sheegay in qaraxani aheyn mid dibada laga soo abaabulay balse uu yahay mid gudaha dalka Itoobiya Ah , isla markaana baadhis lagu sameyn doono , qaabka uu u hir galay maadama oo ay goobta ilaalinaayey ciidamo xoogan
Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay waxyaabaha lagaga hadlay shirkiii urur goboleedka IGAD  ee ka qabsoomay magaalada Addis Ababa.

Shirka urur goboleedka IGAD ayaa diirada lagu saarayey dhex dhexaadin loo samaynayo dawlada koonfurta Suudaan iyo mucaaridka ka soo horjeeda.

Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo markii shirku dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay doorkii uu madaxweynaha soomaaliya ka qaatay dhex dhexaadinta dhinacyada isku haya koonfurta Suudaan, waxaanu yidhi “Shirka waxa ka soo baxay arimo ay ugu muhiimsan yihiin in la sii wado dhex dhexaadinta dhinacyada isku haya arinta dalka koonfurta Suudaan oo ay ugu muhiimsan yihiin xukuumada madaxweyne Silvakiir iyo ninka ugu weyn

mucaaridka ee madaxweyne ku xigeenka ahaan jiray, labadooduba shirka ayey joogeen waana lays tusay, waxaanu shirku go’aamiyey in labadooda loo kala dab qaado.”

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Wuxuu aad ugu booriyey oo uu ku dhiiriyey inay heshiiyaan oo ay khilaafka soo afjaraan kana fikiraan danta dalkooda, waxaanu tusaale u soo qaatay oo aad loogu riyaaqay in soomaaliya ay soo martay sanado badan oo dagaalo sokeeye, waxaanu u cadeeyey in dagaalka sokeeye aanu wax natiijo ah oo aan burbur ahayn dhalinayn.”

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dhiiri gelin siiyey dhinacyada isku haya dalkaasi “Markii uu arkay madaxweyne Silvakiir waxa uu mar kale ugu celiyey baahida loo qabo inay heshiiyaan dhinacyada Koonfurta Suudaan isku hayaa, oo ay u damqadaan dadkoona kana fikiraan mustaqbalka umadooda.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS