BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Shir Jaraa’id Wada Qabtay + Nuxurka Heshiisyadda Ay Wada Saxeexdeen
June 16, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isaga iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay shir jaraa’id ku wada qabteen Villa Somalia ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay booqashada ra’isul wasaaraha.

farmaajo iyo aby ahmed
Farmaajo oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yidhi “Labadeenna dal, Cid nakala qeybin karto ma leh, waa waajib inaan nabad iyo horumar ka shaqeyso…in aan ka wada shaqeyno jabinta arigixisada gobolka, in aan ka wada shaqeyno xiriir dhaqaale labadeena dal, inaan sameyno zoon dhaqaale oo maalgeshi oo ay ku jiraan horumarinta kaabayaashaa dhaqlle sida gaadiid, jidad, tamarta, ganacsi iyo meelo kale”

Dhankiisa ra’isul wasaaraha Abiy Axmed ayaa sheegay in wixii tagay laga gudbo oo hadda gacmaha la is qabsado, lagana shaqeeyo horumarka labada dal
Abiy oo hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa ciidda kula dabaal-dageynaa dalkeenna 2aad, waxaan ku faraxsanahay soo dhoweyntiina, waxaa halkan u joogaa inuu furo xidhiidh iyo aragti cusub, ujeedkeennu waa inuu dhiirigelinno xasiloonida geeska Afrika, Soomaaliya waa dal wadaago af, diin iyo dhaqan, innaga Itoobiya ahaan waan idiin garab taagan nahay”.
War Murtiyeedka soo baxay waxaa lagu sheegay In la xoojiyo xidhiidhka labada dal iyo dhqan-gelinta heshiisyada horay u jiray, in la hormariyo dekada Soomaaliya si ay uga faa’ideystaan Itoobiya iyo dalalka kale, in la dhiso jidad Soomaaliya ku xira Itoobiya, Ganacsiga la fududeeyo, maalgeshi labada dhinac ah, isu socodka, in Itoobiya taageerto nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in mushkilada Afrika ay xaliyaan Afrikaanka dhexdooda.
Labada hoggaamiye(Farmaajo iyo Abiy),  waxaa ay isku afgarteen in la hormariyo kaabayaasha dhaqaale sida horumarinta dekadaha iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xidha labada dal, sidoo kale  waxay isku waafaqeen in la maalgeshto adeegyada Lojistikada iyo la sameeyo adeegyo u gaar ah dekado u shaqeyn kara badweynta Hindiya iyo badda cas.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS