BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Erdogan Qaab Nooceeya Ayuu Markale Ugu Guulaystay Doorashadii Maalintii Shalay Ka Dhacday Dalkiisa
June 25, 2018 - Written by admin

Hoggaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guulleystay madaxweynanimada dalkaasi turkiga iyada oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Madaxwayne Erdogan

Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaa boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Erdogan ayaa la xaqiijiyey inuu helay 52.5codadka la dhiibtay oo dhan, uuna marlabaad ku guulleystay madaxweynanimada dalkaasi oo ay guusha sidaas ku raacday oo aanan la aadi doonin wareeg labaad.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen in codadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen in codadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Codbixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayeen madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga AK ee Mr Erdogan ayaa ku horreeya kuraasta baarlamaanka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS