BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Somaliya oo Bogaadiyay Dhigiisa Dalka Turkiga oo Markale Ku Guulaystay Doorashadii Dalkiisa
June 25, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guulleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku-xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga oo Mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalkaasi.

Recep Tayyip Erdogan ayaa markii Labaad noqday madaxweynaha Turkiga kadib doorasho shalay ka dhacday magaaladaasi, iyadoo dhanka kalena xisbigiisa uu ku horreeyo kuraasta baarlamaanka dalkaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS