BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Xil Ka Xayuubis Ku Sameeyay Laba Kamid ah Taliyayaasha Ciidamadda
June 13, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa xilkii ka qaaday laba ka mid ah taliyeyaasha ciidamada ee maamulkaasi.

wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in xilalkii laga qaaday taliyeyaashii hay’addaha PSS Iyo  PIA, waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan

Gaas-1

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

COMMENTS