BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Dalka Zimbabwe Oo Si Yaableh Uga Badbaaday Qarax Lala Beegday Xil Uu Ku Sugnaa Goob Fagaare Ah Daawo Sida Ay Wax U Dheceen
June 24, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Zimbabwe ayaa ka badbaaday qarax lagula beegsaday isusoo bax olole doorasha oo uu ka sameeynayey magaalada Bulawayo.

Mr Manangagwa ayaa sheegay waxa qarxay inuu aad ugu dhawaa balse nasiib wanaag teyda ayey wax ka dhinneyd ayuu yiri.

qarax zembabwe


Muuqaal laga soo duubay garoonka kubadda cagta ee White City ayaa wuxuu muujinayaa qaraxa oo ka dhacayo meel ku dhaw madaxweyne Mr Mananagagwa xilli uu ka sii degayey masraxa isaga oo dhammeeyey khudbadda uu taageerayaashiisa kula hadlayey.

Wasiirka caafimaadka David Parirentatwa ayaa sheegay 15 qof iney qaraxa ku dhaawacmeen 3 ka mid ah dhaawacoodu uu culus yahay.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku sugnaa magaalada labaad ee Zimbabwe ee Bulawayo waana magaala ay mucaaradku taageera badan ku haystaan, isaga oo xilligaasi u ololeeynayey xisbigiisa Zanu-PF iyada oo ay dalka ku soo fool leedahay doorashada guud ee dalka ka dhaceyso 30-ka June.

Waa kuma yaxaaska soo rogaalceliyay ee Zimbabwe?

Hoggaamiyaha mucaaradka Zimbabwe oo geeriyooday

Aragtida madaxweynaha Zimbabwe oo lacag noqotay!

Afhayeen u hadlo Mr Manangagwa ayaa sheegay inuu madaxweynaha uu badbaaday balse madaxweyne ku xigeenka Membo Mohadi uu jilibku dhaawac ka soo gaaray, halka madaxweyne ku xigeenka labaad Constatntino Chiwenga uu wajiga dhaawac ka so gaaray.

Xubnaha kale ee xisbiga talada haya ee Zanu-PF oo halkaa ku dhaawacmay waxaa ka mid ah guddoomiyaha xisbiga Marwo Oppah Muchinguri-Kashiri, xubno ka tirsan warbaahinta qaranka ee ZBC iyo xubno ka mid ah ciidamada ammaanka.

Mr Manangagwa oo 75 jir ah, ayaa wuxuu sheegay inuu isbitaalka uu ku booqday dadka qaraxaasi ku dhaawacmay ,saga oo tallaabbadaasi qaraxa ku tilmaamay mid ay dareen laawayaasha ku qaadeen midnimada dalka iney ku waxyeelleeyaan.

“Dhacdadanna aniga ayaa la ila dan lahaa ayuu yiri,” isaga oo u warramayey warbaahinta dalka.

Madaxweyne Manangagwa wuxuu xilka madaxweynanimada uu qabtay bishi November markuu xilka ka tuuray Robert Mugaabee.

Qaraxa kaddibna goobta waa lagala cararay madaxweynaha, dadkuna waxay billaabeen iney dhan walba u kala cararaan madaxweynahana wxaa meesha ka saaray gaadiid xawaara aad u dheereeya ku socda, sida uu ku soo warramay wariyaha AFP oo halkaasi ku sugnaa.

Doorashadan lagu wado dalka Zimbabwe iney ka dhacdo 30-ka June ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo dhacda tani iyo marka xilka laga tuuray madaxweynihi hore robert mogabe oo 37 sana dalkaasi ka talinayey.

Qaraxaaasi dadka waxyeellada ay ka soo gaartay tiradooda rasmiga ah weli ma kala cadda.

Afhayeenka madaxweynaha iyo wargeyska Zimbabwe Herald waxay sheegeen dadka ku dhaawacmay tiradoodu iney tahay 8 ama 9 qof oo dhaawacooduna fudud yahay marki la daweeyeyna ay guriyahooda aadeen.

madaxweyne ku xigeenka Mohadi oo jilibka dhaawac ka soo gaarayna wuxuu ku sugan yahay xaalad aad u wanaagsan, balse kama uusan hadlin arrinta.

Marry Chiwenga oo ah xaaska madaxweyne ku xigeenka labaad Chiwenga ayaa iyaduna dhaawacantay iyada oo sawir laga qaaday dhaawaceeda baraha bulshadana lagu baahiyey.

Hoggaamiyaha mucaaradka Nelson Chamis ayaa cambaareeyey weerarkaasi qaraxa ee dhacay. Wuxuuna intaa ku daray kacdoon siyaasadeed iyo rabshado siyaasadda la xidhiidha inaan marnaba la aqbaleyn.

“38-ki sano ee aan soo dhaafnay kacdoonnada siyaasadeed ayaa waxay ahaayeen kuwa si joogta ah u soo taagnaa…marka hadda waxaa nalooga baahan yahay inaan tirtirno.”

Safaaradda mareykanka ee Harere ayaa boggeeda tweetarka ku qortay “murugta waan idinla qaybsaneynaa waana idiin alla baryeynaa”

Ololaha doorashada dalka Zimbabwe ayaa waxaa hareeyey arrimaha dhaqaalaha- waana doorashadi ugu horreysay oo ay goob joog ka noqdaan goob joogayaal caalami ah tani iyo 2002. Mr Manangagwa ayaa wuxuu sheegay doorashada iney si xor oo xalaal ah ay u dhaceyso.

 

COMMENTS