BALIGUBADLE MEDIA
Ma Dhabbaa inuu Mar Kale Dhaawacmay Xiddiga Reer Brazil Ee Neymar?
June 11, 2018 - Written by admin

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar ayaa dhaawac gaadhay intii ay socotay ciyaartii saaxiibtinimo ee galabta xulka dalkiisu la yeeshay Austira.

naymer
Neymar ayaa dhulka ku dhacay, in muddo ahna cabaadayey isaga oo labada gacmood kor ugu haya kuraanta lugta bidix, taas oo dareen murugo leh mar kaliya ku abuurtay jamaahiirtii reer Brazil ee garoonka joogay, intii shaashadaha ka daawanayey iyo dhamaan inta sida gaarka ah u taageerta.

Neymar oo toddobaad ka hor kasoo laabtay dhaawac kuraanta ka gaadhay oo uu ku dhowaad saddex bilood garoomada kaga maqnaa, ayaa markii koowaad uu tababare Tite kusoo bilaabay ciyaarta iyadoo kulankiisii ugu horreeyey ee uu garoomada kusoo noqdo oo ahaa ciyaartii Croatia ee toddobaadkii hore uu beddel kusoo galay qaybtii dambe.

Laacibka xulka qaranka Austria ee Julain Baumgartlinger ayaa ay isku dhaceen Neymar, kaddibna loollankoodii ayaa uu wax kaga noqday kuraanta lugta bidix, waxaana iskugu yimid ciyaartoyga qaarkood oo moodayey in dhaawacii uu hadda kasoo laabtay uu dib ugu soo noqday.

Xaaladda jamaahiirta iyo ciyaartoyga ayaa caadi kusoo noqotay markii uu Neymar kacay isla markaana dhibaato la’aan awood ugu yeeshay inuu ciyaarta sii wato, isla markaana uu gool qurux badan ka dhaliyo Austria.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar oo inta badan kubadda xejiya, aadna u jecel inuu jiido oo uu kaligii hore u wado isagoo u goynaya ciyaartooyada kasoo horjeeda, ayaa khatar ugu jira inuu mar kasta dhaawac haleelo, sababtoo ah, waxa uu u muuqdaa in aanu garanayn qaabka laysku ilaaliyo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS