BALIGUBADLE MEDIA
Khilaafkii Turkiga Iyo Jarmalka Oo Gaadhay Meel Xun, Gundogan Oo Lagu Bahdilay Ciyaartii Saudi Arabia Iyo Ozil Oo Xaalad Xun Gelaya
June 9, 2018 - Written by admin

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Turkiga iyo Jarmalka ayaa gaadhay meel xun, kaddib markii jamaahiirta xulka qaranka Jarmalku ay si xun ula dhaqmeen laacibkooda khadka dhexe ee Ilkay Gundogan intii ay socotay ciyaartii saaxiibtinimo ee Saudi Arabia ay iskaga hor yimaaddeen Jimcihii.

ozil gondogon iyo erdogan

Ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Leverkusen ayey Jarmalku kusoo dhoweeyeen xulka qaranka Sucuudiga, waxaana qaybtii hore kaydka la fadhiisiyey Ilkay Gundogan iyo Mesut Ozil oo dhaawac dartii aan garoobkana joogin, hase yeeshee markii uu garoonka soo galay Gundogan qaybtii dambe ayaa uu la kulmay lama filaan.

Gundogan oo isaga iyo Ozil ay bishii hore la kulmeen madaxweynaha waddanka ay asal ahaan kasoo jeedaan ee Turkiga, Racep Tayyib Erdogan, markaas oo Gundogan uu bartiisa bulshada ku baahiyey hadal kooban oo uu ku yidhi: “Sharaf bay ii tahay inaan la kulmo madaxweynahayga”

Xidhiidhka kubadda cagta Jarmalka, siyaasiyiinta iyo madax badan ayaa si aad ah uga cadhooday falka Gundogan iyo Ozil ay kula kulmeen Erdogan, waxaana ay qaar badan ku doodeen in laga caydhiyo xulka oo aan aanay waddankaas mar dambe u ciyaarin.

Tababare Joachim Low ayaa daqiiqaddii 57aad soo galay Ilkay Gundogan, waxaana uu beddelay Marco Reus, hase yeeshee halkii uu ka filayey soo dhoweyn ayey dhamaan taageereyaashii garoonka joogay iskula oogsadeen cay iyo qaylo, taas oo bilaabmaysay mar kasta oo uu kubadda taabto.

And the Saudis, who have also qualified for the World Cup, should have had an injury-time penalty when Mats Hummels pulled Mohammad Al-Sahlawi’s shirt six yards from goal.
Maalin xun ayey u ahayd Gundogan

Gundogan ayaa dhibbane u noqday taageereyaashii uu ka filayey dhiirigelinta, hase yeeshee Mesut Ozil ayaa isagana sidan oo kale loogu qayliyey ciyaartii saaxiibtinimo ee toddobaadkii hore Jarmalku guul-darrada kala kulmay Austria.

Tababaraha xulka qaranka Jarmalka Joachim Low ayaa usoo jeediyey taageereyaasha inay garab istaagaan xiddigahooda dhalasho ahaan kasoo jeeda Turkiga, halkii ay kaga qaylin lahaayeen.

“Xaqiiqadu waxay tahay in ciyaartooyada qaranka oo sidan loogu qayliyo aanay cidna caawin doonin.” ayuu yidhi tababare Low.

Tababare Low oo hadalkiisa sii wata waxa uu qiray in Gundogan uu sameeyey khalad, waxaanu yidhi: “Muxuu sameeyey Ilkay? Sawir ayuu la galay madaxweynaha, waxaanu iska indho tiray qiyamka Jarmalka. Mowduuca waan la xidho.”

Dhinaca kale, Gundogan ayaa toddobaadkan horraantiisii sheegay inuu dhibaato badan kala kulmay falcelintii dadka ee sawirkii uu la galay Erdogan, waxaana uu yidhi: “Sharaf ayey ii tahay inaan ku koray Jarmalka, taas ka sokowna, xidhiidh xoog badan ayaan la leeyahay Turkiga.”

Si kastaba ha ahaatee, cadhada taageereyaashu u hayaan Ozil iyo Gundogan ayaan la ogeyn inay socon doonto illaa Koobka Adduunka oo maalinta Khamiista ah bilaabmi doona, haddii ay sii socotana, waxa suurtogal ah inay dhibaato ku noqoto bandhig ciyaareedka labadan laacib.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS