BALIGUBADLE MEDIA
Khilaaf Ka Dhex Qarxay Midawga Yurub Iyo Maraykanka + Trump oo Ku Hanjabay Inuu Cashuuuro Ku Soo Rogo Baabuurta Yurub U Dhoofiso Dalkiisa
June 22, 2018 - Written by admin

Dhacdo kale oo noqon karta mid sii cakirta xiisadda ganacsi ee taagan, ayaa Madaxweyne Trump waxa uu ku hanjabay in uu cashuur boqolkiiba labaatan ah ku soo rogi doono baabuurta Midowga Yurub u dhoofiyaan dalkiisa, hadii ururku cashuuraha uu ku soo rogay badeecadaha Maraykanka ka noqon waayo.

trump fataal

Hadalkan oo uu ku qoray barta uu ku leeyahay shababkadda Twitter-ka, aya soo baxay isla maalintii uu dhaqan galay qaraarkii ay cashuuraha dheeraadka ah ku saareen reer Yurub badeecadaha Maraykanka ee ay kaga dibaaqayeen cashuurta culus ee Maraykanku saaray xadiidka iyo aluminium-ka ay u dhoofiyaan.

Hanjabaadaa Trump markii ay soo baxdayba waxa laga dareemay suuqyada saamiyada wershadaha baabuurta ee Yurub.

Canshuurta uu mareykanka ku soo rogay alaabadaasi waddamadaa ka soo galo waxuu ku dhawaaqay saqdi dhexe ee caawa xilliga Washington.

Wuxuuna soo rogay canshuur dhan 25% biraha laga soo geliyo waddamadaas iyo 10% alumuuniumka laga soo geliyo Midowga yurub, Canada iyo Mexico.

Xogahayaha ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross, wuxuu sheegay iney Midowga Yurub ku guul darreysteen iney ka faa’ideystaan labadi bilood ee canshuur dhaafka la siiyey.

Britain ayaa waxay sheegtay iney go’aanka Mareyknaka uu qaatay ay “aad uga niyad jabsan tahay” kaddib marki ay toddobaadyo wadxaajood arrintani ku saabsan ay u socdeen labada dhinac.

Xigasho : bbc

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS