BALIGUBADLE MEDIA
Jarmalka oo Loogu Baaqay Inay Iska Caydhiyaan Ciyaaryahanadda Ozil & Gundogan Iyo Khilaafka Jarmalka Iyo Turkiga oo Cirka Isku Shareeray
June 14, 2018 - Written by admin

Khilaafkii ka dhashay kulankii madaxweynaha waddanka Turkey, Recep Tayyib Erdogan iyo labada ciyaartoy ee Jarmalka ah ee Mesut Ozil iyo Ilkay Gundogan, ayaa weli sare usii socda.

ozil gondogon iyo erdogan
Laacibkii hore ee xulka Jarmalka ee Steffan Effenberg ayaa noqday shakhsigii ugu dambeeyey ee kusoo biiray khilaafkan, waxaana uu ku baaqay in labada ciyaartoy ee Ozil iyo Gundogan laga caydhiyo xulka qaranka, isla markaana la mariyo ciqaabtii isaga la marsiiyey sannadkii 1994-kii.

“Marka aad tuurto wax kasta oo qiimayn ah sida ta uu xidhiidhka kubadda cagta Jarmalku gudbiyo, go’aanka kaliya ee yaallaa waa in laga takhaluso labada ciyaartoy. Wakhtigii aniga iyo Uli Stein sidan oo kale ugamay falcelin, mana arki karayo wax ka duwan sidaydii oo kale.” Sidaas waxa yidhi Effenberg oo ay da’diisu tahay 49.

“Uma fududaan doonto midkoodna inuu si fiican u ciyaaro iyadoo dhalleecayn kala duwan loo jeedinayo, laakiin waxa aan doonayaa in arrinta la caddeeyo oo xulka laga caydhiyo.” ayuu ku daray.

Effenberg waxa uu sheegay in Gundogan lagu ordiyey intii ay socotay ciyaartii saaxiibtinimo ee Saudi Arabia, taasina ay keenayso in ciyaartoygu isweydiiyo inuu u qalmo xidhashada funaanadda qaranka iyo inta ay dhalleecayntu soconayso..

Maxaa lagu sameeyey Effenberg

Effenberg waxa uu la kulmay dhibaato sannadkii 1994-kii, markaas oo isaga oo u ciyaaraya Fiorentina si toos ah looga saaray xulka qaranka dalkiisa. Waxa lagu haystay in isaga uu farta ku taagay calanka Jarmalka wakhti ay la ciyaarayeen South Korea oo ay ku kulmeen Dallas, USA.

Tababarihii xilligaas ee xulka qaranka Jarmalka, Berti Vogts ayaa u sheegay Effenberg in aanu kusoo dari doonin xulkiisa Koobkii Adduunka ee 1998, wixii markaas ka dambeeyeyna Effenberg ayaa ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, isaga oo nasiib darro laba ciyaarood oo kaliya xidhay funaanadda qarankiisa.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS