BALIGUBADLE MEDIA
Hadalkii Faysal Cali Waraabe oo Galaaftay Waxbarashadii uu Jaamacadda Amoud Ka Waday Gudoomiye Ku Xigenkii XIsbiga Ucid
June 13, 2018 - Written by admin

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ah ee ucid cabdinaasir Buuni ayaa qoraal ka soo baxay jaamacadda Camuud oo uu arday ka ahaa isla markaasina ka dhigan jaray kuliyadda shareecadda laga eryay.

Qoraalka Jaamacadda ayaa lagu sheegay inuu guddoomiyahu isaga oo Arday ah ixtiraami waayay shuruudaha u yaala jaamacadda isla markaasina hadalo uu jaamacadda ku dhaliilayo ka jeediyay warbaahinta kala duwan.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee xisbiga Ucid oo hadhwanaagnews khadka taleefanka ugu waramaya ayaa sheegay inuu Maqlay Warqada jaamacadda lagaga eryayo balse eedaha ay cuskadeen ayuu ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS