BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo Shaaciyay Fasax Shaqaalaha Dawladdu Galayaan Maalinta Barri ah
June 25, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed(Geelle) ayaa shaaciyey fasax ay heli doonaan shaqaalaha dawladu.

sharmaarke

Gudoomiye Sharmaarke oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in shaqaaluhu ay fasaxan ku heleen maalinta qaran ee 26-ka June oo ku beegan wakhtigii ay somaliland xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.

Warsaxaafadeedka gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan:-

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan berito oo Salaasa ah taariikhduna tahay 26-ka June waxa ay ku beegan tahay maalintii Somaliland xoriyadeeda ka heshay Maxmiyadii Ingriiska halkaas oo Hargeysa laga taagay calankii u horeeyey ee xor ah guud ahaan inta Soomaali degto.

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda Maalintani u leedahay guud ahaan shaqaalaha dawladda , sida oo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu helaan fasaxa sannadeedka ay xaqa u leeyihiin, waxa ay ku wargelinayaan shaqaalaha dawladda in maalinta Salaasada oo ku beegan 26/06/2018 ay noqon doonaan maalin fasax halkaas oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonnaan maalin hawleedkii shaqo iyada oo shaqada lagu soo laaban doonno maalinta Arbacada ee bishu tahay 27/06/2018

Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo gaar ahaan shaqaalaha dawladda JSL maalintan qaran, waxa aanan u rajaynayaa in Sannadka sanadkiisa lagu gaadho guul, gallad iyo gobonimo.

Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar “Ab. Cabdilaahi Suldaan Timacade”

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS