BALIGUBADLE MEDIA
Guddoomiyaha gobolka Marooddijeex Ee WADDANI Oo Hambalyo Ciiddul Fidriga Ku Aaddan U Diray Shacabka Somaliland –
June 15, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane, Xuseen Aadan Cadde ayaa shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka 1439-ka.

xuseen aadan cadde8
Guddoomiye Xuseen Aadan Cadde waxa uu Munaasibadda Ciiddul Fidriga awgeed uu shacabka Somaliland uu Illaahay uga baryay innuu Cafis iyo danbi dhaaf ugu badalo Soonkii iyo Acmaashii ay soo waddeen bishii barakaysnayd ee RAMADDAAN, waxaannu ummadda Somaliland u soo jeeddiyay inay is Cafiyaan oo is wada saamaxaan, isla markaanna ay wada-jirkaa meel lagu gaadhaaye ay Mid u noqdaan danahoodda iyo dannaha qarankabba.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane, Xuseen Aadan Cadde, waxa uu Illaahay uga baryay inay Sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan Nabad iyo badhaadhe.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS