BALIGUBADLE MEDIA
Goobta Uu Ka Dhacayo Kulanka U Dhaxeeya Madaxweyneyaasha Maraykanka Iyo Ruushka Oo La Iclaamiyey
June 29, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa kulankoodii ugu horreeyey oo rasmi ah waxa ay 16-ka July ku yeelan doonan magaalada Helsinki ee dalka Finland.

trump and putin

Xaqiijinta kulanka oo ay sameeyeen labada dhinac ayaa yimid maalin kadib markii la-taliyaha amniga qaranka Trump John Bolton uu la kulmay saraakiil sare oo Russian ah oo uu Putin ku jiro, si loogu gogol xaadho kulanka.

“Madaxweyne Trump ayaa I weydiistay inaan imaado oo aan mas’uuliyiinta Ruushka kala hadlo kulanka labada madaxweyne” ayuu yidhi Bolton oo weriyayaasha kula hadlay Moscow.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo Trump iyo Putin ay si wada-jir ah xal ugu heli karaan, inkasta oo ay jiraan arrimo ay isku khilaafsan yihiin” ayuu yidhi Bolton.

Kulanka ayaa ay xaqiiq tahay inuu sare usii qaadi doono isha sida goonida ah loogu hayo xidhiidhka Aqalka Cad uu la leeyahay dowladda Ruushka, ayada oo uu socdo baadhitaan lagu hayo xidhiidh dhex maray ololihii doorashada Trump iyo saraakiil ka ag dhaw aqalka  Kremlin-ka.

Source:-VOA

COMMENTS