BALIGUBADLE MEDIA
FIFA Oo Shaacisay Halka Lagu Qaban Doono Koobka Adduunka 2026 Iyo Hanjabaaddii Madaxweyne Donald Trump Oo Saamayn Ku Yeelatay
June 14, 2018 - Written by admin

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku dhowaaqday in saddexda waddan ee Maraykanka, Canada iyo Mexico ay wada jir u martigelin doonaan Koobka Adduunka 2026, kaddib markii codadkii ay xubnaha ku jira ururku codadkii ugu badnaa siiyeen.

fifa

Saddexda waddan ee wada jirka u martigelinaya Koobka Adduunka oo taageero hiil, hoo iyo hanjabaad ba leh ka helayay madaxweyne Donald Trump ayaa helay 134 cod, halka waddanka Morocco ee la tartamayey uu helay 65 cod oo kaliya.

Shirweynaha FIFA oo maanta ku qabsoomay magaalada Moscow maalin ka hor bilowga Koobka Adduunka, ayaa waxa kasoo xaadiray dhamaan dalalka xubnaha ka ah oo tiradoodu tahay 200 waddan, waxaana markiiba la furay markiiba la furay codaynta, taas oo ay kasoo baxday natiijo ay si aad ah uga shaqeeyeen hoggaamiyeyaasha Maraykanka Donaldo Trump Iyo Canada Jurstin Trudeau.
Sanadka 2022 ayaa koobka Adduunka waxaa marti gelinaya dalka Qatar, waxaana uu noqon doona dalkii u horeeyay ee ka tirsan wadamada carabta ee marti geliya koobkaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS