BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Ethopia oo Wada Xaajood La Furaysa Dawladda ay Deriska Yihiin ee Eritrea
June 6, 2018 - Written by admin

Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay dhaqan gelintii heshiiskii 2000 ee lagu joojiyey dagaalkii u dhaxeeyey iyaga iyo wadanka ay jaarka yihiin ee Eritrea.

abiy ahmed
Go’aankan oo ahaa mid aan horey loo fileyn ayaa waxaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale shalay qaaday Xaaladii deg degta ahayd ee lagu soo rogay wadankaasi bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.
Abiy Axmed ayaa isagu sheegay markii uu xilka qabtay inuu ka shaqeyn doono sidii loo hagaajin lahaa xiriirka uu dalkaasi la leeyahay wadanka ay walaalaha yihiin ee Eritrea oo uu dagaal xoogan dhexmaray tan iyo markii Eritrea ka go’aday wadanka Itoobiya 1993dii.
Labada dal oo ku dagaalamay xaduuda ay yeelanayaan ayaa dagaalkooda la sheegaa inay ku dhinteen in ka badan 80kun oo qof.
Qaramada Midoobay oo ka shaqeysay heshiiskii sanadkii 2000 ee lagu qeexay qaabka loo xalinayo xaduuda ayaan intiisa badan dhaqan gelin, waxaana horey u qaadacay dowladii hore ee Itoobiya.
Go’itaankii Eritrea ee 1993 ayaa dalka Itoobiya ka dhigtay mid go’adoon ah oo aan laheyn xeeb ama bad, arrintaasi oo ay Itoobiya u aragto mid khatar ku ah mustaqbalkeeda amniga iyo ganacsiga

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS