BALIGUBADLE MEDIA
Cristiano Ronaldo oo Lagu Xukumay Xabsi Labo Sanno ah iyo Ganaax Lacageed + Waa Maxay Sababtu ?
June 17, 2018 - Written by admin

Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid islamarkaana dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Portugal ayaa maxkamad Spain ku taal waxa ay ku xukuntay xabsi labo sano ah iyo ganaax lacageed oo malaayiin Euro ah.

cristiano
Laacibkan ayaa xadhigiisa waxa uu la xidhiidha musuq canshuureed oo uu ku kacayay dhowr sannadood, waxaana uu malaayiin euro oo canshuur ah kala baxsaday waaxda canshuuraha dalka Spain, isagoo lacagihiisa inta badan ku qarsaday dalka Switzerland iyo jasiirado hoos taga dowladda Britain.

Lacagta guud ee uu ka lunsaday waaxda canshuuraha ayaa lagu sheegay cadadkeeda 18,8 milyan oo euro, waxaana dowladda Spain sheegtay in lacagtani uu Ronaldo lunsaday sannadihii u dhexeeyay 2011 ilaa 2014.

Inkastoo xabsi labo sano ah lagu xukumay laacibkan reer Portugal hadana kama dhigna in uu waqtigasi ku qaadanayo xabsiga.

Xadhigga ayaa waxaa u sii dheer Ronaldo ganaax lacageed kaas oo isna malaayiin euro ah

COMMENTS