BALIGUBADLE MEDIA
Bulshada Somaliland iyo Shacabka Hargeysa Waxaan Weydiinayaa Yaa Lasiiyay Qandaraaskii Biyaha Hargeysa
June 7, 2018 - Written by admin

Waa arin Xaqiiq ah in Mudo kadib Markii ay Xilka La Wareegtey Xukuumaddan Kulmiye in ay markiiba inoo cadeysay in Xukuumadii Kulmiye ee hore lagu lunsadey lacag dhan Boqol iyo Dheeraad Malyuun oo lacagta Dollarka Mareykanka ah,taas oo ku talagalkeedu ahaa Mashruuca Biyo Galinta Caasimada Hargeysa taas oo uu cadeeyay Wasiirka Biyaha Xiligan Saleebaan Koore.

Haddaba Maalmihii u dambeeyay waxa aad loo hadalhayey in Mashruucii mar kale dib loo bilaabayo islamarkaana, lasiin doono Shirkado ku tartamaya oo ajanabi ah sikasta oo ay taa wax uga jiraanba waxa Xogaha dhabta ahi durba sheegayaan in Mashruucaa qandaraaskiisa Guud ee Dusha ka Maamulaya lasiiyay Shakhsiyaadka ugu dhawdhaw Madaxweyne Muuse Biixi islamarkaana, kasoo

jeeda caa,iladiisa anigoon Xuseyn Wixii Farsamo iyo Hawl kale, ah ee Dusha la inooga sanqadhiyey in lasiin Doono Shirkado Ajanabi ah oo iyagu galinaya ama Dhameys tiraya Biyo Galinta Caasimada Hargeysa.

Si kasta oo ay wax uga jiraan inkastoo, aan Xogtan iyo Mawduucan ku sahabsan Biyaha Caasimada Hargeysa oo dhibaato badani ka taagan tahey ku koobay Su,aal u furan Bulshada Somaliland ee Xogogaalka u ah Arimaha Wakhti xaadirkan ka Socda Madaxtooyada Somaliland iyo Talaabooyinka Madaxweyne Biixi ee uu Qoyskiisa ku koobay arimo badan oo hadda Bulshadu wada ogtahey Waxaan Shacbiga Reer Hargeysa ku baraarujinayaa waa ayo Cida guud ahaan marka laga taggo arimaha Farsamo iyo Shirkadaha ajaanibka ah ee laga dhawaajiyay,lasiiyay Qandaraaska Mashruucan ee Dusha ka maamuleysa, koley iyo koley majiraan Wax Bulshada ka Qarsoomi doona oo waxa Suurtagal ah in imikaba in badan oo kamid ahi ogtahey, Waxaanse ku soo koobayaa fashilaadi ka dhamaan mayso Muuse Biixi iyo Xukuumadiisan waa mid Maalin Walba taaggan, waa mid ku Xidhiidhsan sababta albaabka looga soo Xidhey kumanaan kamid ah kaadiriyiintii Kulmiye, dhalinyar,iyo Waayeelba Siyaasiyiintii Mudakarka ahaa iyo kuwii macno lahaaba waa Sababta loo qaatey Shaqaale Dawladeed oo matelaya Golihii Xukuumadda Su,aashaasi ayaa kusoo Xidhayaa waxaanan Rajeynayaa in jawaabtu idinka idinka iman doonto haddii Alle Idmo.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

COMMENTS