BALIGUBADLE MEDIA
Beesha Caalamka oo Kornayl Muuse Biixi Ku Canaanatay Cabudhinta Iyo Cagajuglaynta uu Ku Hayo Saxaafadda Iyo Muwaadiniinta
June 13, 2018 - Written by admin

shan iyo toban hay’addood oo hogaamiya u doodida xuquuqda hadallka ee qaarada Afrika ayaa madaxweynaha somaliland ugu baaqay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ka taagan xoriyada saxaafada somaliland iyo ta muwaadiniinta.

majaalilayste muuse

Baaqa hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku soo beegmaya wakhti sadexdii bilood ee ugu dambeeyey ay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi xabsiga u taxaabtay shan wariye isla markaan xidhay laba ka mid ah telefishanada madaxa banaan ee ka hawl gala dalka.

Hay’addahan oo madaxweyne Muuse Biixi dhambaalkooda u soo diray bishan 06/06/2018 ayaa sheegay in loo baahan yahay in hogaamiyaha somaliland uu masuuliyad iska saari ilaalinta xoriyada hadalk ee saxafiyiinta iyo tan muwaadiniintaba.

Sidoo kale dhambaalka madaxweyne Muuse Biixi la soo gaadhsiiyey ayaa lagu sheegay in la qabtay isla markaana la xidhay dhawr qof oo la sheegay in lagu eedeeyey inay dawlada ku dhaliileen baraha bulshada, kuwaas oo lagu xukumay xadhig gaadhaya sadex sanadood.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS