BALIGUBADLE MEDIA
Akhriso Rajadda Argentina oo Meel Adag Gashay Iyo Saddex Sababood oo ay Rajo Ku Yeelan Karto
June 23, 2018 - Written by admin

Lionel Messi oo lagu eedaynayo inuu isagu iska lahaa go’aankii xulka qaranka lagu soo xulay bilowgii koobka adduunka ka hor iyo safidda ciyaaryahannada garoonka gelaya, isla markaana uu amarkiisa oo kali ahi ka shaqeeyo qolka lebbiska ayaa waxa hortaalla shaqo adag oo ay tahay inay kasoo baxaan si ay uga badbaadaan cadhada sii kordhaysa ee shacabka dalkoodu u hayaan iyo niyad xumada ay ku beereen.

messi

Argentina ayaa si toos ah u macasalaamayn doonta Koobka Adduunka haddii ay guul weyn ka gaadhi waayaan ciyaarta Nigeria ay iskaga hor iman doonaan, taas oo waliba aan kaligeed ku filnaan doonin inay usoo gudbaan wareegga 16-ka oo ay ka badbaadaan inay hadhaan.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa fursadaha iyo qaabka ay Argentina ugu gudbi karto wareegga 16-ka oo u baahan shaqo adag iyo xattaa in Croatia ay kaalin ka qaadato.

1. Croatia oo garaacda Iceland: Haddii Croatia ay ka adkaato Iceland, waxay fursad u tahay Argentina iyo sidoo kale Nigeria, sababtoo ah Iceland waxay haysataa hal dhibic, haddii ay guuleysatana waxay tegi doontaa afar dhibcood, taasina waxay dhibaato ku tahay Argentina oo leh dhibic kaliya. Nigeria ayaa sidoo kale haysata saddex dhibcood, waxaanay u baahan tahay guul ama barbar dhac iyo in laga badiyo Iceland. Croatia waxay yeelan doontaa 9 dhibcood, Argentina haddii ay ka adkaato Nigeria waxay tegi doontaa 4 dhibcood, Nigeria na waxay lahaan doontaa 3 dhibcood, halka Iceland yeelan doonto hal dhibic oo kaliya.

3. Maxaa dhacaya haddii Iceland badiso: Group D rajadiisu cirka ayuu ku laalmayaa, waxaanay taasi u daran tahay Argentina iyo Nigeria ba. Croatia kaalinta koowaad ayey ku bixi doontaa iyadoo haysata lix dhibcood. Argentina oo Nigeria garaacdaana waxay tegi doontaa afar dhibcood, Iceland waxay yeelan doontaa afar dhibcood halka Nigeria ay saddex dhibcood kaalinta ugu hoosaysa ku fadhiyi doonto. Markan, Iceland iyo Argentina isku dhibco ayey noqonayaan, waxaana sida uu sharciga FIFA dhigayo lagu kala bixi doonaa goolasha.

4. Maxaa dhacaya haddii Iceland barbar-dhaac la gasho Croatia: Xulka kubadda cagta Croatia kaalinta koowaad ayuu 7 dhibcood kaga soo baxayaa group D, Argentina ayaa iyaguna tegi doona 4 dhibcoodo oo kaalinta labaad ah haddii ay waliba badiyaan, Nigeria ayaa kaalinta saddexaad ku hadi doonta saddex dhibcood, halka Iceland ay laba dhibcood la hoyan doonto.

Xaaladda Guud

Saddexdaa arrimood ayaa ay ku xidhan tahay rajada Argentina, taas oo noqonaysa arrin adag hase yeeshee iyaga waxa looga baahan yahay inay ka adkaadaan Nigeria, halka ciyaarta kale ee Croatia iyo Iceland ay natiijadeeda oo kali ah eegan doonaan.

Isha Ku Hay Baliguadlemedia

COMMENTS