BALIGUBADLE MEDIA
Zidane Oo Si Faahfaahin Uga Hadlay Kulanka Caawa ee Real Madrid vs Bayern Munich
May 1, 2018 - Written by admin

Tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa ka hadlay xaaladda ciyaaryahannada ka dhaawacan, muhiimadda kulanka Bayern Munich, in mustaqbalkiisu ku xidhan yahay ciyaartaas iyo arrimo kale.

zidane
Zidane oo ka hadlayey shir jaraa’id ka hor ciyaarta Salaasada ay Real Madrid ku martigelin doonto Bayern Munich is aragga labaad ee semi-finalka Champions League oo kulankii hore ay kooxdiisu ku badisay 2-1, ayaa waxa uu sheegay inay isku diyaarinayaan ciyaar adag oo ay kala hor tagaan Munich.

Zidane oo ugu horreyn ka hadlaya in sii joogitaankiisa Real Madrid ku xidhan tahay natiijjada ciyaarta Bayern Munich, waxa uu yidhi: “Way ka madax-bannaan tahay guusha Champions League: Aniga ayaa doonaya inaan sii joogo kooxda, laakiin waxa muhiimka ii ahi, waa waxa aan hadda qabanayo, sida berri loola ciyaarayo Bayern. Wixii kale, waa ku-tidhi-kuteen.”

Zidane oo la weydiiyey inuu hadda dareemayo inuu yahay macallin ka wanaagsan sidii markii uu laba sannadood ka hor qabsaday Real Madrid iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: “Ma sheegi karayo inaan ka wanaagsanahay iyo inaan ka xumahay tababare ahaan, laakiin, haa, khibrad badan ayaan helay. Waxa jira tababareyaal badan oo iga wanaagsan, balse waxa aan helay fursad aan kula noolaado kooxda Real Madrid oo aan ku qabto shaqadii aanu qabanay.”

Zidane waxa uu xusay in Nacho uu dib ugu soo laabtay garoomada, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, laakiin aanu khatar gelin doonin haddii aanu si buuxda u bogsanin. Sidoo kale, Isco ayuu tibaaxay inaanu soo dedejin doonin, laakiin uu isaguna tababarka qaatay.

Dhaawac gaadhay difaaca midig ee Real Madrid Arbacadii oo ay isku dhaceen ciyaartoy ka tirsan Bayern Munich, kaddibna garoonka laga saaray, ayaa waxa uu muran ka taagnaa laacibka booskiisa buuxin doona, waxaana Zidane oo wax laga weydiiyey uu ku gaabsaday in aanu weli qorshaynin ciyaartoygii booskaas buuxin lahaa, balse haddii ay dhiirigelin helaan ay dhamaan ciyaaryahannadiisu ka ciyaari karaan booskaas.

Ugu dambayn, Zidane waxa uu sheegay in ciyaartani tahay semi final oo aan dhayalsi loo baahnayn, waxaanu yidhi: “Ciyaartani waa semi-final, waananu ognahay muhiimaddeeda.”

Real Madrid oo gacanta sare leh, kulankii horena ku badisay 2-1 iyadoo marti ah, ayaa garoonkeeda Bernabeu kusoo dhoweyn doonta Bayern Munich Salaasada,

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS