Xuska Munaasibadda `18 May oo Sanadkan Ka Duwan Xusaskii Sanadihii Hore Iyo Hoos U Dhac Wayn oo Ka Muuqda
May 14, 2018 - Written by admin
xuska munaasibada 18 may oo ah mid kamida maalmihii sida wayn looga xusi jiray dalka ayaa sanadkan yeeshay waji kale oo ka duwan sanadihii hore kadib markii ay kala qaybsanaan wayni oo ay sababtay xukuumadda kornayl muuse biixi la soo daristay shacabka kala gadisan ee somaliland

rajabeelka shacabka iyo beenta madaxda somaliland ayaa kamid ah waxyaabaha fashiliyay nidaamkii dawladnimo ee somaliland waxaanay gabi ahaanba shacabka dalka ku dhaqani isku badaleen qaar quus ka jooga xukuumadda haatan joogta oo dalka iyo dadkaba u kala abtirisay islamarkaana ay manaafacaadsadaan shakhsiyaad magac beeleed ku shaqaysta balse aan rajo badan ka lahayn dalka
waxyaabaha ugu waawayn ee sanadkan hoos u dhigay xuska maalinta 18 may ayaa waxa kamid ah fashilka baahsan ee dul hooganaya dawladnimadii somaliland oo aan ahayn mid wada deeqday shacabka somaliland balse isku badashay mid u adeegta shakshiyaad ama beelo gaar ah halka beelaha qaar saaxadda laga saaray xuquuqdoodii ay ku lahaayeen dalka
waxaana ifafaalaha hadda somaliland ka muuqdaa xaqiijinayaa in muuse biixi noqon karo madaxwayne gacantiisa ku soo gunaanadda dawladnimadda somaliland islamarkaana 27 sanno kadib burbur iyo colaado sokeeye oo ka qarxa guud ahaan goboladda dalka ilaa caasimadda sababa marka loo eego sida fashilka ah ee uu ugu takrifalayo awooda shacabku u dhiibteen ee dawladnimo islamarkaana uu beeshiisa gacanta ugu galiyay dhamaan khayraadkii dalka
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS