BALIGUBADLE MEDIA
Xuseen Axmed Caydiid oo Markii Ugu Horaysay Kamid Noqonaya Golaha Wakiiladda Somaliland
May 14, 2018 - Written by admin

Maxakamada Sarre ee Somaliland ayaa Ugu Danbayn ku dhawaaqday In Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid uu ku guulaystay Buuxinta Kursigii Ka Banaanaday Golaha Wakiiladda Somalilan, kaas oo uu ka dhintay Allaah Haw U Naxariistee Marxuum Ibraahim Axmed Haybe.

Xuseen axmed caydiid

Kursigan oo uu murankiisii taagnaa ilaa bishii la soo dhaafay, ka dib Geeridii Marxuum Ibraahim Axmed Haybe ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay ka dib Markii Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamuud Muuse Abees oo ay Xuseen Axmed Caydiid isku xigeen uu warbaahinta u sheegay in uu yahay qofka buuxinaya jagadaasi, maadamaa uu dhinaca tirada xil sugeyaashii Xisbiga Kulmiye ugu horeeyo.
Muranka labada Siyaasi ee Xuseen Axmed Caydiid oo hore uga tirsanaan jiray xisbiga Kulmiye hasayeeshee iminka ka mid ah saraakiisha ugu saraysa Xisbiga Waddani iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees oo weli baaqi ku sii ah xisbiga Kulmiye ayay Maxakamada sare ka garnaqday kiiskooda, in kasta oo aanay Maxakamada sare weli go’aankeeda ku dhawaaqina waxa ay ilo wareedyo u dhuun daloolaa hadhwanaagnews u sheegeen in ugu danbayn uu Buuxiyay Kursigaasi Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS