BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Itoobiya Bilaabayso Dhismaha Jidka Berbera Wajaale
May 26, 2018 - Written by admin

Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in la rajaynayo in dawladda Itoobiya dhawaan bilowdo dhismaha jidka isku xidhaya Dekedda Berbera iyo magaalo xuduudeedka Tog-wajaale.

sacad cali shire

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya u sheegay in Itoobiya ka hor dhammaadka sannadkan bilaabi doonto dhismaha jidkaas. “Itoobiya waxa la filayaa inay bilowdo dhismaha jidka isku xidhaya dekedda Berbera iyo Tog-wajaale ka hor dhammaadka sannadkan.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.
Laakiin wargeyska ayaa xogo uu helay waxay u sheegeen inaan weli la dhammayn qaabkii wax loo bilaabi lahaa, waxaanay xogaha uu helay ay wargeyska u sheegeen in dhismuhu u baahanyahay in la sameeyo shirkad saddex geesood ah oo sharci ku fadhida, “Ilaa haddana lama gunaanadin faahfaahinta heshiiska saddexda dhinac, shirkadiina weli lama samayn.” Ayay xogahaasi yidhaahdeen.
Geesta kale Cali Ismaaciil Maxamed oo ah sarkaalka madaxda ka ah qaybta hawlgelinta ee dekedda Berbera ee DP world ayaa isaguna u sheegay warbaahinta Itoobiya in dhismaha balaadhinta dekedda Berbera la bilaabi doono bisha September ee sannadkan. “Dhismaha wejiga koowaad ee dekedda Berbera waxa la bilaabi doonaa September.” Ayuu yidhi sarkaalkani, isagoo intaas raaciyay in shirkadaha ku guulaysta qandaraaska la baahin doono.-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xadhiga boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee somaliland ayaa sheegay in boqorku u xidhan yahay sharciga dalka, waxaanu yidhi “Buur madow waxa soo eedeeyey xeer ilaalinta, waxaana lagu soo eedeeyey hadal uu yidhi oo aanu cidna ka qarin oo ka hor imanayey sharciga inoo dhisan, markii aanu waydiinay raga kale maxa loo soo eedayn waayeyna waxay yidhaahdeen xaqiiq hadal ah oo ka duuban ma hayno, tagitaankuna dambi muu ahayn oo waxay wada ahaayeen Suldaano iyo Boqoro, mar walbana way tagaan oo hablo ayey soo guuriyaan, mag bay soo kala qaadaan, qolo dhexe ayey isku celiyaan markaa erayga boqor iyo

Suldaan tagay muu ahayn dambi  laakiin waxa dambi ah qofkii maxaa ka yimid.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in sharciga dalka loo siman yahay waxaanu yidhi “Boqor Buurmadow waa ninkaas aad taqaanaan ee raga ee dadka badan hogaamiya, anigana taageerada badan iyo saaxiibtinimadu naga dhaxaysay laakiin haduu qaldamo waynu is toosinaynaa ileen waxaynu isku raacsanahay in sharcigu qabto ka ugu sareeya iyo ka ugu hooseeya, haddii sharcigu qabtay cidna laga dhaafi kari maayo.”

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadlay saamaynta kaga soo noqotay xadhiga Boqor Buurmadow waxaanu yidhi “Aniga waa laygu canaantay oo qolada mucaaridka ahi waxay tidhaahdaa Buurmadow ayuu kaga bilaabay laakiin xeer ilaalin ayaa dacwaysay waana sharci soo gudbay, mana odhan karo anigu intaas hay’addaha fara geliyo hebelna sharciga halagu qaado hebelna halaga daayo, markaa xeerkaas ayuu ku yimid xadhiga buurmadow, kuwa kalana markii aan anigu waydiiyey xeer ilaalinta waxay yidhaahdeen hal eray oo aanu ku hayno maxkamadana ku keeno ma hayno, way tageen mooyaane, tagitaankana waxay isku taagayaan Salaadiintu maalin walba way talaabaan.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS