BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Somaliland oo Markii Ugu Horeysay Shaacisay Shirkadii Shiidaalka Wasakhaysan Dalka Keentay
May 8, 2018 - Written by admin

Xukumadda Somaliland ayaa Shirkadda Shidaalka ee Red Sea kusoo rogtay ganaax dhan $355,500 maaddaama ay dalka soo gelisay Shidaal Wasakhaysan.

Sidoo kale Shaybaadhka Shidaalka ee Berbera waxaa lagu ganaaxay $355,500 Maaddaama oo uu bixiyey ogolaanshaha lagu sii daayayey Shidaalka Wasakhaysan sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga Somaliland.

Wasiirka ganacsiga ayaa labadan shirkadood amray in ay si degdeg ah lacagtan ugu shubaan wasaaradda maaliyadda, islamarkaana wasaaradda ku boorriyay in ay daba gasho bixinta lacagtaasi.

Waxa uu shirkadaha ku eedeeyay in iyaga oo og in shidaalku wasakhaysan yahay ay ula badheedheen in ay ku shubaan Kaydka Haamaha Shidaalka ee Berbera.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS