BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumada Somaliland oo Xoriyadeedii U Soo Celisay Naciima Abwaan Qorane
May 7, 2018 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa xoriyadeedii dib ugu soo celisay Naciima Abwaanad Qorane oo ku xidhnayd xabsiga magaalada Gabiley.
niciima(4)
Sida ay sheegayaan wararka ay helayso aanu helaynaa Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey Naciima Abwaan Qorane oo maxkamada gobolka Hargeysa ay ku xukuntay sadex sanadood oo xabsi ah.

Naciima Abwaan Qorane ayaa mudo dhawr bilood ah xidhnayd ka dib markii lagu soo eedeeyey falal ka soo horjeeda qaranimada somaliland isla markaana maxkamadu ku riday xukun.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS