BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Warar Sheegaya Inay Laascaanood Imanayaan Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay Iyo Midawga Afrika
May 29, 2018 - Written by admin

-Xukuumada somaliland ayaa ganafka ku dhufatay warar sheegaya in magaalada Laascaanood ay ku wajahan yihiin wefti balaadhan oo ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrika.

news1

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir iyo taliyaha qaybta booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale ka war bixiyey xaalada nabad galyo ee magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.

Ugu horayn gudoomiyaha gobolka Sool oo ka hadlaya xaalada nabad galyo ee magaalada Laascaanood ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay gobolka aanu ku suganahay ee jamhuuriyada somaliland waa nabad galyo, mana jirto wax dhibaato ah oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey  ka dhacay jiida hore, ciidamada qarankuna waxay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii deegaanka Tuke Raq meel

bariga ka xigta 10km”

Gudoomiyaha gobolka Sool oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saaray warar sheegaya in wefti ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrika imanayaan magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Magaalada Laascaanood gudaheeda waxa layska dhex marayey 48-kii saacadood ee ugu dambeeyey war been ah oo ay fidinayaan dad wax ma garato ah oo caadaystay inay cabaan dhiiga dadka, kuwaas oo baraha bulshada ku faafinaya war odhanaya Laascaanood waxa ku soo wajahan wefti balaadhan oo qaramada midoobay iyo midawga Afrika ah , kuwaas oo doonaya inay arkaan shacabka magaalada Laascaanood, waxaanu leenahay warkaas waxba kama jiraan halkana anaga ayaa joogna oo madaxweynaha iyo xukuumada uga wakiil ah, dhul ahaan dad ahaan meeshani waa somaliland, waxaanan leenahay dadka masaakiinta ah ee maatida ah ee dumarka iyo caruurta warkaas yaanu dhagahiina galin waana been sal iyo raad toona lahayn.”

Gudoomiyaha gobolka Sool ayaa ugu damban fariin u diray dadka wararkaas faafinaya waxaanu yidhi “Dadka caruurtoodii dibadaha gaystay ee ubadkoodii waxbarashada wacan helayaan ee caafimaadka helaya ee baraha bulshada soo galinaya borobogaandhada ee umada jaah wareerinaya waxaan leeyahay isla yaaba bil ramadaan ayaa lagu jiraa.”

Sidoo kale taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool ayaa isaguna ka waramay xaalada nabad galyo ee magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Amaanka magaalada Laascaanood wuu sugan yahay, way jiraan caruuro yaryar oo la marin habaabiyey oo da yar u badan kuwaas oo dhagax tuur ka bilaabay magaalada, Booliskuna wuu kala eryey talaabo ayaanu ka qaaday hadana nabad galyo ayey ku sugan tahay oo wax dhibaato ahi kama jiraan.”

Sidoo kale waxa uu fariin u diray shacabka magaalada Laascaanood waxaanu mar kale yidhi “Dadweynaha gobolka Sool waxaan fariin ugu dirayaa inay nabad galyada ilaashadaan, cida fikirka qaldan dhiibaysana waxaan leeyahay waxa idiin wacan inaad idinku ka hadashaan waxaad qabtaan oo aad ficil ama cod kaga hadashaan oo aad dhibaatada ka daysaan caruurta”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS