BALIGUBADLE MEDIA
Xisbga Waddani Oo Ka Hadlay Siyaasiyiinta Duur iyo Waabeeye Oo Xukuumadda Kala Qayb Galay Xuska 18 Ka May Oo Uu Hore Xisbigu Ugu Gacan Saydhay
May 15, 2018 - Written by admin

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay Siyaasiyiinta Xildhibaan Waabeeye iyo Maxamed Nuur Caraale oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo saaka ka qayb galay Xuska 18-ka May oo ay xukuumadda Kulmiye ka soo rartay maalinteedii, ka dib markii ay ku beegantay bisha ramadaan.

dahab
Siyaasiga Cabdilaahi Dahab oo ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay arrintaasi waxaanu yidhi  “Maanta waxa ay ahayd maalintii dhalinyarada Soomaaliya ee SYL, maalin khusaysa qarankan iyo dadkana maaha, xisbi ahaan mawqif ayaanu ka soo saarnay,  Mawqifkayaguna wuu cadyahay, cid walba oo ka hor timaada Mawqifkaasi kuma meteli karto xisbiga.

Labadaas Oday ee aad ii sheegtayna (Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed

Nuur Caraale iyo Xildhibaan Waabeeyo) waa xaalad iyaga u gaar ah, xisbigana kuma meteli karaan, Xisbiguna Go’aan ayuu ka soo saaray, go’aankaas ayaana jira” ayuu yidhi Cabdilaahi.

Mar la waydiiyay bal sida uu arko in siyaasiyiinta Waabeeye iyo Duur oo xisbiga Waddani ka tirsani ay ka qayb galaan xuskii saaka loogu dabaal degayay maalita qaranimada somaliland ayaa ydihi “Waan ka maqlayay Idaacada labadaas nin ayaa jooga, xsibiguna waxa uu Leeyahay Guddi Anshax, markaa sida ay guddidaasi ka yeesho ayaynu sugi” ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS