BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Uu Khalkhal Ku Yimid Miisaaniyaddii Dhawaan La Ansixiyay
May 7, 2018 - Written by admin

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in wax ka bedel lagu sameeyay miisaaniyaddii 2018-ka ee ay dhawaan Golaha Wakiiladu ansixiyeen.

wasiir kuxigeenka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed Daahir Axmed oo Warbaahinta Somaliland ayaa yidhi  “Miisaaniyadda sanadka 2018-ka waxa aanu diyaarinay Miisaaniyadd ah in aanu wax ka qabano, baahiyaheena horumarineed, haddii ay caafimaadka tahay, hadii ay tahay wax soo saarka Beeraha, maalmahan Hadalo ayaa jiray, kuwaas oo odhanaya Miisaaniyaddaas uu Goluhu ansixiyay ayaa wax laga bedelay.

Miisaaniyadda marka uu Golohu ansixiyo waxa ay isu bedeshaa xeer, markaa cid wax ka bedeli kartaa

ma jirto” ayuu yidhi Sidoo kale waxa uu wasiir ku xigeenku cadeeyay in ay miisaaniyaddu u taalo sidii uu Golaha Wakiiladda Somaliland u ansixiyay “Miisaaniyaddu sidii uu Goluhu u ansixiyay ayay ku ansaxsan tahay, laguna isticmaalayaa, cid wax ka bedeli kartaana ma jirto, cida leh wax baa laga bedelayna waa cid aan sharciga garanayn” ayuu yidhi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS