BALIGUBADLE MEDIA
Warbaahinta MASAR Oo Si Weyn Ugu Eedaysay Sergio Ramos Inuu Badheedh U Dhaawacay Mohamed Salah
May 27, 2018 - Written by admin

Warbaahinta kala duwan ee waddanka Masar ayaa eedaymo culus u jeediyey difaaca Real Madrid ee Sergio Ramos oo garabka bidix ka dhaawacay mucjisada Masar ee Mohamed Salah.

ramos stupid

Ramos ayaa si adag ugu dhegay gacanta midig ee Salah illaa uu dhulka ku dhacayey, waxaana markiiba uu is qabtay garabka bidix oo si xun dhulka ugu dhacay, iyadoo Ramos uu dusha kaga sii dhacay.

Dhaawacan ayaa waxa uu shaki geliyey fursadda uu Salah u heli karayo inuu ka qayb-galo Koobka Adduunka, waxaanay taasi sababtay in warbaahinta Masar, gaar ahaan jaraa’idadu ay boggooda hore ku daabacaan canaan iyo dhaleecayn ay u jeediyeen Sergio Ramos.

Wargeyska Al Masry al Youm ayaa waxa uu boggiisa hore ku qoray: “Masaarida oo dhan ayaa oyday markii uu hiliblaha Ramos garbka goostay Salah”

Cinwaankaas mid la mid ah waxa qoray wargeyska El Watan, waxaanu yidhi: “Ramos si badheedh ah ayuu Mo uga saaray ciyaarta. Illaahay ayaanu ku reebnay Ramos.”

Joornaalo kale oo badan ayaa waxay faaqidaad ku sameeyeen rajada Salah ee ka qayb-galka Koobka Adduunka, waxaana arrintaasi si gaar ah u faaqiday wargeyska weyn ee Al-Ahram.

Isha Ku Hay Balaigubadlemedia

COMMENTS