BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Saaka Ka Dhacay Deegaanka Ceel-Afwayn + Khasaaraha Ka Dhashay oo Sii Kordhaya
May 9, 2018 - Written by admin

Dagaal Sababay Dhimasho iyo dhaawac faro badan ayaa laba beelood oo Ood-wadaaga ah ku dhexmartay deegaanka gobolka sanaag tuulooyinka hoos yimaadda oo ay ka mid yihiin Dhidinka
Siigadheer, Dararweyne, Fadhigaab iyo degaano kale.

breaking news

Dhimashadda ayaa hadda lagu soo waramayaa in ay kor u dhaafta toban Qof dhaawacuna uu ka badan yahay
Dadka dhintay ayaa wararku sheegayaan in ay ku jiraan dumar iyo waliba caruur ay xabad ku dhaceen markii rasaas laysku dhex waydaarsaday goob tuulo ah.

Ciidamadda qaranka somaliland oo saaka gurmad adag sameeyay ayaa hadda xaalad nabad ku soo dabaalay waxaana dhamaan deegaanadii ay dirarta dagaal saaka ka dhacday si buuxda gacanta u haya ciidanka qaranka oo Ku Amran cidii lagu qabto hub in ay sharciga mariyaan.

Labada Beelood ee haddana saaka dagaalka sababay dhimashadda iyo dhaawacu dhexmaray ayaa dhaawan wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed deegaanka ceel afwayn nabad ugu soo xidhay kuwaas oo labada beeloodba laysku dhaariyay,waxaana loo kala qaaday magtii markii laysku tirayay dadkii ay iska dileen.

Madaxwaynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu saaka baaq nabadeed u diray labada beelood waxaana uu ugu baaqay in ay ka shaqeeya nabad iskana dhaafaan colaadda ay markasta dhexdooda ka abuurayaa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS