BALIGUBADLE MEDIA
Wakiilka Xoghayaha Qaramadda Midoobay ee Somaliya oo Ka Hadlay Dagaalkii Puntland Iyo Somaliland Ku Dhex Maray Tukaraq
May 17, 2018 - Written by admin

War qoraal ah oo ka soo baxay wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobey Michael Keating ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsaha  badan loo joojiyo dagaalka deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool.

micheal keating

Dagaalkan oo shalay gelinkii hore ku dhex maray deegaanka Tukeraq Somaliland iyo punltand ayaa waxa uu ku taliyay in laga gaadho xal waara isla markaana ay labada dhinacba is xakameeyaan.

”Waxaan ku boorineynaa labada maamul in ay wada hadal yeeshaan, isla markaana ay  muhiim tahay in ay gaadhaan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, ka Hay’ad ahaan mar walba waxaan taageernaa nabadda, colaada waxaa ka dhasha in la waayo dad shacab ah oo aan waxba

galabsan.” ayuu yidhi Micheal Keating.

dhawaan ayaa Michael Keating socdaal uu isaga dab qaadayo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Somaliland uu ku kala yimid Garoowe Iyo Hargeysa, waxaana uu labada dhinacba ugu baaqay in la soo gunaanado xiisada colaadeed.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS